Kenya oo lagu canaantay Shirka Urur Goboleedka IGAD

Shirka 38-aad ee Urur Goboleedka Igad oo maanta lagu qabtay Dalka Jabuuti ayaa qodobo hor dhac ah oo shirkaa kasoo baxay waxaa kamid ah go’aanka Igad ee Xiisada Diplomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Hogaanka Gobolka ayaa Madaxweynaha Kenya ku canaantay faragalinta Dowladiisa ay ku heyso arimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka.

Kenya ayaa loo jeediyay in ay joojiso nooc walba oo faragalin la xiriirta arimaha Soomaaliya.