Weerar lagu qaaday Guriga Sarkaal katirsan Ciidamada Milatariga ka degan yahay Muqdisho

Wararka laga helayo Xaafada Wajeer oo ka tirsan Degmada Kaaraan ayaa sheegaya in xalay Ciidamada Haramcad ay Howlgal ka fuliyeen Guri uu degmada Kaaraan ka dagan yahay Sarkaal katirsan Ciidamada Milatariga oo magaciisa lagu soo koobay Masdile.

Ciidamada Haramcad oo galay Guriga Sarkaalkaas ayaa soo xiray askartii guriga kusugneed, sidoo kalena ay Guriga kasoo qaadeen dhowr qoray oo AK47 ah iyo rasaas farabadan

Masdile oo katirsan Saraakiisha Milatariga ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu ka maqnaa Guriga xiliga howlgalka uu dhacayay.

Lama oga sabab Ciidamada Haramcad ay u beegsadeen Guriga Sarkaalkaasi oo ay usoo xireen ciidamadii gurigaa kusugnaa, waxaana sarkaalka uu degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe ka wadaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.