Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Ugu yaraan 4 askari oo boolis ah ayaa ku dhintay degmada Kaaraan waxaana laga qaatay hubkii kadib isku dhac dhaxmaray ciidamo Milateri iyo boolis ah.
Ciidanka Milateriga ah ayaa sidoo kale galay guriga guddoomiyaha degmada Kaaraan (Abshir Kaaraan) iyo xarunta degmada waxaana wali taagan xaalad cabsi ah.
Arintaan ayaa la xariirto qulqulatooyin maalmahan ka taagnaa waqooyiga Muqdisho, kuwaas oo u dhaxeeyay 4 sarkaal oo ka tirsan ciidaamda qalabka sida oo ay dowladu amartay in la soo qabto iyo hay’adaha amaanka.
Wararka kusoo kordha kala socda www.Awdinle.com