Maxay ka wada hadleen Midowga Musharixiinta & Xubnaha Beesha Caalamka?

Xubnaha Midowga Musharixiina Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan dhinaca Internet-ka ah ee aalada Zoomka ah waxaa ay kula yeesheen xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada waxaa lagu saarayay xaalada uu dalku marayo gaar ahaan aRrimaha doorashada maadaama  muran uu weli ka taagan yahay guddiyada doorashooyinka Soomaaliya oo ay dowladda Magacaawday.

Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Midowga Musharixiinta ay Beesha Caalamka u sheegeen mowqifkooda doorasho ee ah inay dhacdo doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay, waxay sheegeen in aanay mar naba aqbalayn sida ay Villa Somalia hadda wax ku wado.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo laga wada heshiiyo, iyada oo labada dhinac ku balameen in ay si wadajir ah arintaas uga wada shaqeeyaan.

Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa kulanka uga qeyb galay Musharixiinta kala ah, Xasan Cali Khayre, Xasan Sheek Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Halka ay kamid ahaayeen xubnaha Wakiilada Beesha Caalamka ee kulanka ka qeyb-galay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya  & Shan Safiir oo ka socday dawlado iyo Urur goboleedyo.