Ciidamo ka tirsan AMIOSM oo ku dhintay qarax lala beegsaday

Wararka ka imaanaya Gobalka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax xoog leh lala beegsaday Ciidanka Amisom gaar ahaan qeybta Burundi meel u dhow degaanka Buurane oo ku yaal duleedka Magaalada Jowhar.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala beegsaday gaadiid ay waten Ciidamada Burundi, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas.

Ugu yaraan laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Burundi ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka tiro kalena dhaawac uu soo gaaray, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxaas.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahoda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii lala eegtay Ciidanka Burundi, iyaga oo sheegay inay qaraxaasi ku dileen laba Askari.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar  ee Gobolka Shabeellaha Dhexe