Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlay arimaha doorashooyinka iyo qodobo kale.
Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku sugnaa ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Qodobada sida gaarka ah diirada loo saaray waxaa ka mid ah Amniga Doorashooyinka, Amniga Qaranka iyo xuduudaha dalka, Kaalinta IGAD ee xal u helista khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.
halka lagu Dhageystay warbixinno la xiriira socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha ee Puntland iyo Galmudug.