Kheyre oo shaaciyay waxa ka dhalan kara qabashada doorasho aan heshiis lagu aheyn

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in doorasho aan lagu aheyn hehsiis ay sababi karto inay ka dhashaan dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa uu sheegay in  markii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu u cadeeyay Ummadda Soomaaliya inay muhiim tahay qabashada doorasho heshiis lagu yahay oo lawada ogol yahay, taasina ay tahaya lama huraan.

“ Waxaan u dhow nahay hadii aan la qaban doorasho waddar ogol ku dhicin inay wax badan naga halaabaan, waxaana dhici karta inay dhalato dowlad aan la isla ogoleyn, hadii la isku dayo in dalka laga qabto doorasho aan la isla ogoleyn, waxaa ka dhalan karta, wixii ka dhacay, Beledweyne Gobolka Gedo iyo dagaalkii ka dhacay degmada Kaaraan ayuu yiri” Kheyre.

Hadalka uu ka jeediyay Xasan Cai Kheyre Barnaamijka looga hadlayay xilliga kala guurka iyo xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa ahaa mid dad badan ay ka sugayeen in uu ku dhaliilo Dowladda Madaxweyne Farmaajo uu uu mar ka tirsanaa, hayeeshee uu ka gaabsaday.