Maamulka Gobolka Hiiraan oo xiray Wariye Wareystay Janeraal Xuud

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne waxay sheegayaan in lagu xiray Weriye Cabdulqaadir Maxamed Faarax Dulyar, oo maalin ka hor howlo shaqo u tagay magaaladaas.

Dulyar ayaa duleedka magaalada Beledweyne ku soo wareystay Jeneraal Abuukar Xuud oo hoggaaminaya jabhad ka soo hor jeeda madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle.

Qeyb ka mid ah wareysigaas ayuu Jeneraal Xuud ku sheegay inuu dibadda uga yimid inuu badbaadiyo nololsha dadka reer Hiiraan oo uu sheegay inay talada u hayaan dad uu ku tilmaamay ‘dhiig miirato.’

Dulyar ayaa weydiiyey Jeneraal Xuud sababta uu u dagaal gelinaayo dhalinyarada reer Hiiraan, iyadoo ilmihiisu ay ku noolyihiin dalka Canada oo nolol fiican ay ku heystaan.

“Uma imaan dadka in la dilo, laakiin waxaan u imid tuugada inaan ka qabto, dadkooda waxbartayna maamulka loogu dhiibo” ayuu yiri Jeneraal Xuud.