Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay banaanbax ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo

Madaxaweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheekh Maxamud  ayaa sheegay in Madaxweyne Farmajo uu doonayo in uu si shacri darro ah ugu fadhiyo kursiga Madaxweynaha, isla markaana aysan iyaga aqbaleyn.

Waxaa uu waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu joojiyo xukun jaceylka, sidoo kalena uu ka faa’iideysto fursada uu heysto, isla markaana aysan suurtagal u noqoneyn in uu xilka markale kusoo laabto wadada uu ku socdo.

 “Shalay markii loo banaanbaxayey Madaxweynaha reer hebel muusan aheyn, maanta miyuu noqday reer hebel markii la dhahay waa qaldan tahay, horay ayaa loogu banaanbaxay Madaxweynaha reerkiisana ma aheyn ee dadka yaa la qaldin ayuu yiri” Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu markale ku celiyay in muqdisho ay ka dhacayaan banaanbaxyo nabaded, isaga oo ugu baqay bulshada inay u diyaar garooban.