Ciidamo gadoodsan oo la wareegay waddo muhiim ah

Ciidamo ku xareysnaa xero Ciidan oo ku taalla Degmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa in ay gadood sameeyeen.

Wararka waxaa ay shegayaan in Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku Xaraysnaa Xerada Dhaankaroone ee Degmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud ayaa Gadood Sameeyay, waxaana ay xirteen Wadada Laamiga ee Degmadaasi Marta, waxaana wararkii u dambeeyay ay sheegayan in hadda Ciidankaasi ay waddadu u xiran tahay.

Ciidanka Gadoodsan ayaa ka cabanaya Mushaar la’aan, waxaana ay sheegeen in muddo ah in aysan qaadan xuquuqdii ay lahaayen, iyagoo sheegay in Xerada ay ku jiraan ay ku dayacan yihiin.

Wararku waxaa ay ku warramayaan in Odayaasha dhaqanka degmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud ay ku bexeen, ayna doonayaan in ay xaliyaan cabashada Ciidanka, walina ma jirto wax mas’uul ah oo ka tirsan Mamaulka Galmudug oo ku baxay Ciidankaasi gadoodsan.