Tartanka Bariga Afrika ee dhanka wax lasoo degista & dhoofinta ayaa sii kordhay, waxaana laf dhabar u ah Dowladda Itoobiya oo aan lahayn Deked isla markaana ay degen yihiin dad aad u badan.

Itoobiya ayaa indha-indheyn ku heysa fursadda maalgashiga Dekedaha Berbera Somaliland oo aan aqoonsi Madax bannaani ah ka heysan Soomaaliya & Dooraale oo Jabuuti ah Jabuuti ah oo haatan xiriir wax dejinta & rarista ah ka dhaxeeyo.
Dooraaleh waxaa laga soo eryay Shirkadda Dekedaha maamusha ee Dubai (DP World), kadib markii ay ku guul-dareysatay ballamo ay la gashay Dowladda Jabuuti ah oo dhanka horumarinta Marsada.
Waxa ay u xeed-xeedatay maamulka Dekedda Berbera, inkasta oo aysan wax muuqda ka qaban, haddana waxaa socda dedaal xooggan oo ay ku bilaabeyso mashruuc lagu habeynayo Bisha Mach 2021.

Somaliland, DP World & Itoobiya waxa ay bilaabeen dhismaha Waddo isku xireysa Berbera & Wajaale si loogu sii gudbiyo ismaamulka Soomaalida (Soomaali Galbeed) si jid wanaagsan loogu helo safarka Marsadaas.

Itoobiya & Imaaraatka Berbera heshiiska lagula galay maamulkeeda 30-sano waxaa ka dhaxeeya is faham, waayo Shirkadda DP World waxa ay daneyneysaa in dhaqaale badan uu kusoo xirmo Dekedda.