Baaqa Nabadda Taageerayaasha Murashax Madaxweyne Jabril Ibrahim Cabdulle

Sida aan lawada socono dalku waxa uu galay marxalad  xasaasi  ah oo u baahan in si taxadar  iyo deganaansho leh loola falgalo. Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan dambe aad ugu soo badanayay mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo.

Mudaaharaadyadaas waxaa bud-dhige u ahaa dalbashada shacabka Soomaaliyeed ay kaga dalbanayaan hogaanka Dowladda Fedaraalka in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan, xor ah isla-markaana dhinacyada kawada qeyb-galaya heshiis ku yihiin.

Sida ku xusan Dastuurka KMG Shacabka Soomaaliyeed xaq bey u leeyihiin iney abaabulaan, qabtaana banaanbax ku dhaca si nabad ah.   Waxa aan rumeysanahay in ay lama huraan tahay in shacabka Soomaaliyeed ay si nabad ah xaqooda ku raadsadaan, sidoo kale dowladda waxaa xaq loogu leeyahay iney mas’uuliyad gaar ah iska saarto ammaanka shacabkaas mudaaharaadaya, una sahasha in ay si nabad ah u mudaharaadaan.

Hadaba anaga oo ah taageerayaasha Murashax Jabril Ibrahim Cabdulle waxa aanu ku  baaqeynaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida  dalka. Xiligaan kala guurka ah  dalkeenu ma qaadi karto rabshado, dagaal, iyo barakac hor leh oo dib noogu celin-kara  xiligii madoobaa ee aanu ka soo gudubnay. Shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahan-yahay caddaalad, amni, horumar, iyo dowladnimo raagta.

Waxa aanu si qaas ah u xasuusinaynaa dowladda Fedaraalka in ay  mas’uuliyad ka saaran tahay shacabkeeda  ha noqdeen mucaarad iyo muxaafid. Waxa aanu sidoo kale xasuusinaynaa  dowladda in loo doortay maareynta danaha ummadda Soomaaliyeed gebi ahaantoodba. Marnaba lama aqbali karo in dowladdu ku dhaqaaqdo talaabooyin lagu caburinayo shacabkii  ay ahayd iney nolol qurxoon u raadiso.

Waxa sidoo kale xusid mudan in anaan marnaba la aqbali karin falkii uu shalay askariga ka tirsan   ciidanka Nabadsugidda Qaranka  kula-kacay shacab  si   nabad ah u banaanbaxaayey. Falkaas waxa uu argagax galiyay shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ugu baaqaynaa hay’addaha Amniga in ay ka fogaadaan ficilada noocaas ah.  Dhanka kale waxa aan ugu baaqaynaa dibad-baxayaasha in ay ilaaliyaan sharuucda dalka, kana fogaadaan ficilada dhaawici kara nabada, xasiloonida  iyo amniga guud.

Ugu dambeyn baaqeynu waa nabad xilli walba, waayo dalkeenu ma qaadi karo umana bisla doorashooyin la isku qabsado iyo dadka oo la caburiyo. Qofkii isku daya inuu maroorsado masiirka umadda Soomaaliyeed waa maangaab aan la socon taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waxuuna ku dambeyn doonaa fashil iyo taariikh mugdi ah.

Nabad baa naas la nuugo leh!

Taareegarayasha Murashax Madaxweyne

Jabril Ibrahin Cabdulle