Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta oo Sabtiya shaqa-joojin ku sameeyay Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn).
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Dhabancad, ayaa lagu caddeeyay in Shaqa-joojinta Duqa Gaalkacyo ay timid, kadib markii uu soo baxay tuhun la xiriira in uu musuq maasuq ku sameeyay Dhaqaalaha degmada Gaalkacyo.
Sidoo kale, Hanti-dhawrka guud ee dowladda Puntland aya baaritaan ku bilaabay, tuhunka ku saabsan musuq maasuqa lagu eedeeyay duqa Gaalkacyo, si loo xaqiijiyo haddii uu musuq maasuq sameeyay.