Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo gaaray Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa gaaray guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xashi Cabdillaahi & guddoomiyahaGolaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdullaahi, iyada oo siweyn loo soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi deni iyo xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedada wafdiga guddoomiyeyaasha labada Aqal ay u tageen magalada garoowe ayaa waxaa lagu sheegay ka qeyb-galka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo 28-ka bishan ka furmaya magaalada Garowe.

Shirka ayaa sanadkaan waxaa  sidoo kale ka qeyb-geli doona inta badan xubnaha Midowga musharixiinta madaxweynaha, qaar kamdi ah madaxda dowlad goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya)

Ammaanka magaalada garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in ka hor qabsoomida shirka ee 28-ka Bishaan ay Magaalada garoowe gaaraan qaar kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.