Bandow Maalin cad ah oo la saaray Magaalada Beledweyne

Aroortii hore ee saakay bulshada magaalada Beledweyne ayaa ku waa bareestay bandow iyo irid walba oo la dhigay ciidamo isugu jira dowladda soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Ciidanka ayaa baaraya dadka gaadiidka iyo guryaha waxeeyna hakiyeen isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyagoo dhanka kale ciidanka xeray wadda Laamiga ah ee dhaxmarta Beledweyne.
Dhallinyaro badan ayaa xabsiga la dhigay kuwaasi oo lagu eedeeyay in bannaanbaxyo abaabulayeen iyo in aay yihiin taageerayaasha Gen. Abuukar Xuud.
Ciidanka Amisom ayaa wata dabaabaadka dagaalka waxeena tani dadka ree Beledweyne soo xasuusiyay bandoowgii maalinta cad ahaa ee ciidanka itoobiya aay bulshada Beledweyne saari jiree sannadkii 2012-kii kaasi oo aroor hore bilaaban jiray lana qaadi jiray 12:00 duhurnimo.
Dugsiyada lagu barto Qur’aanka kariimka Iskuulaadka Jaamacadaha dadka raba adeega caafimaad oo deg deg ah iyo dadka muruq maalka ah ayuu bandowga iyo howlgalka si gaar ah u saameeyay.
Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom weli kama hadlin howlgalkan mana cadda ujeedka rasmiga ah ee howl-galada joogta ah ee Beledweyne ka socda loo sameeynayo.