Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Haramcad ee ilaalada ka haya waddada xiriiriso Muqdisho iyo Afgooye ayaa ku dagaalamay nawaaxiga deegaanka Lafoole.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Milateriga ay isku dayeen in ay waddada xoog ku maraan,  balse kuwa Haramcad oo Goobta koontorool ku leh ay ka diideen.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah, isla markaana labada ciidan ay weli isku hor-fadhiyaan halkii ay ku dagaalameen.

Amaanka waddada xiriiriso Muqdisho iyo Afgooye oo uu dhismaha laamiga ka socdo ayaa waxaa si gaar ah amaankeeda u sugaya Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad