Kenya oo sheegtay inay dishay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaaden goob ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab, taa soo ku taalla Kaymaha weyn ee Boni ee dalkaasi Kenya.

Saraakiisha Ciidamada difaaca Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu dilay Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen goobta ay howlgalka ku qaadeen.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay kusoo qabsadeen qalab isgaarsiineed iyo hub ay u adeegsanayeen inay ku dhibaateeyaan dadka deegaanka Lamu.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen saraakiisha Ciidamada Difaaca Kenya in howlgalka ay kusoo qabteen Hal Nin oo ka tirsan Al-Shabaab kuna sugnaa Goobta, isla markaana ay haatan su’aalo weeydiinayaan.

Warkan kasoo yeeray Saraakiisha Ciidamada Difaaca Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa illi inta badan weeraro geystay khasaaro kala duwan ay Al-Shabaab ka fuliyaan degaano ka tirsan gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.