Laamaha Amniga Galmudug oo qabtay Agab laga sameeyo qaraxyada

Ciidamada Amniga Galmudug ee ka hawlgalaya magaalada Gaalkacyo iyo agagaarkeeda ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan jawaan laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo loo qorshaynayey in laga sameeyo miinooyinka gawaarida lagu dhejiyo.

Magaalada Gaalkacyo waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socdey hawlgallo baaritaan oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada isla markaana looga hortagayo falalka amni daro.

Wasaaradda Amnigu waxay bogaadinaysaa hawlgallada ciidamada amnigu ay wadaan, ayadoo looga mahadcelinayo shacabka Gaalkacyo sida wanaagsan ee ay ula shaqaynayaan ciidamada.