Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo ka jawaabay hadalkii Sheekh Ummal

Guddoomiye sanyare oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa ka cudur daartay arrinta loo qabsaday, laakiin dhanka kale wuxuu sheegay in uu dhibsaday qaabka khaladkiisa loogu sheegay.

“Qofka muslimka ah haddii lagu dhaho, ‘khalad baad gashaye toobad keen’ wax dhibaato ah kuma aha, waxay u tahay ammaan, toobadduna waa qeyb ka mid ah ammaanta dadka muslimiinta ah iyo in Alle loo noqdo, cid kasta oo kuu sheegta inaad Alle u tooban celisana waa laga aqbalaa, salaaddaba markii aad ka baxdo waxaa lagu billaabaa astaqfirullah,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sababta uusan masjidka ugu tukanin ayuu sharraxay guddoomiyaha: “In aanan masaajidka ku tukanin waa sababta dad badan aysan u aadin oo ah in masaajidka laga baqayo oo aan la gali karin amni darro awgeed.”

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn hadal-heynta baraha bulshada u qabsaday hadal uu Guddoomiye Sanyare 21-kii bishan December ka jeediyay xafladda caleema saarka duqa magaalada Gaalkacyo, kaasoo si aad ah loo dhibsaday.