Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Nin kufsi & dil geystay

Ciidamada booliska dagmada Caabudwaaq  ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud yaa Gacanta ku dhigay Jaamac Maxamed Yuusuf oo ay sheegeen inuu yahay ninkii dilka iyo kufsiga ugaystay Haweeneey meydkeda saaka laga helay Cabudwaaq.

Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Ubax Maxamed Macalin Yaxye ayaa aheyd Haweeneey  17 hit Xaamilo ah, waxaana muddo saa ado ah oo la weeysnaa kadib meydkeeda lags helay duleedka Xaafada Amaano ee degmada ee  duleedka dagmada Caabudwaaq.

Ehelada Gabadha ayaa Maanta waxaa ay ka codsadeen laamaha Amniga degmada Cabudwaaq inay gacanta ku dhigaan cadaaladana horkeenaan dadkii ka dambeeyay falkaas.