Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo shuruud hor-dhigay Guddoomiye Jeyte

Waxaa goordhow soo dhamaaday kulan u dhaxeeyay Odayaasha dhaqanka Besha Xawaadlle iyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Odayaasha ayaa guddoomiye jeeyte kala hadlay dajinta xaaladda magaalada iyo in  xorriyadooda lasiiyo shacab badan oo laamaha amniga aay xereen.

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu ka ballan  qaaday odayaasha dhaqanka in Dhammaan dadka shacabka ah ee laama amniga aay xereen lasii deyn doono.

Waxaa calaamad su’aal aay saarantahay inta ay la egtahay awoodda guddoomiye jeyte dadkaasi uu ku sii deyn karo madama dad badan aay qabaa in amarka dadkaasi lagu xeray  aay Bixiyeen Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabaged iyo wasiirka Arimaha Gudahaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax.