Puntland oo heshiis cusub la gashay Shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta

Heshiiskan oo ka dhacay Dubai oo ay wada galeen Wasiirka Duulista, Hawada iyo Garoomada maamulka Puntland Ilyaas oo waheeliyo Cismaan Lugatoor Agaasimaha guud ee Wasaarada Cismaan Dheere adhere waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirishiid iyo Masuuliyiin ka socday Shirkada TISL.

Shirkaan ayaa lagu wareejinayey Garoonka Bosaaso ayaa si rasmi kula saxiixdeen sidii lagu wareejin lahaa Maamulka iyo shaqada garoonka Diyaaradaha, Taaso oo lagu sameeyn doono horumaarin garoonka iyo Balaarintiisa ayna bilaamin doonto bisha 1-aad ee sanadkaan.

Shirkada TISL ayaa sheegay in isbedel weyn ay ku sameyn doona Garoonka Garowe oo ah midka ugu weyn maamulka Puntland.

Wasaarada Duulista Hawada Puntland ayaa fulisey mashruuc labaad ee lagu horumaarinayo Garoomada Puntland intii ay jirtey Dowladdu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni, taaso noqoneyso siyaasada dowladda ee ah horumaarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka.