Cali Guudlaawe oo Shir isugu yeeray laamaha Amniga Hir-Shabeelle

Madaxweynaha dowlad goboleedka hirshabeelle mudane Ali Gudlaawe Hussein ayaa ugu mahadceliyay ciidamada hirshabeelle sida aay uga shaqeynayaan sugida amniga degmooyinka iyo deegaanada hirshabeelle.

Madaxweynaha hirshabeelle mudane Cali guudlaawe xuseen ayaa bogaadiyay howlgalada amni sugida oo aay ciidamada ka sameeyeen maalmihii la soo dhaafay magaalada jowhar ee caasimada hirshabeelle.

“Waxaan amaanayaa ciidamada hirshabeelle guud ahaan howlgaladii aay ka soo hoyeen guulaha kaasi oo lagu sugaayi amniga oo aay ka wadeen magaalooyinka dowlad goboleedka waxaan leeyahay sii wada howlgala amniga lagu xaqiijinaayo.

Madaxweynaha hirshabeelle oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka dowladlad goboleedka in aay la shaqeeyaan ciidamada amniga maadaama amniga uu yahay laf dhabarka bulshada.

Maalmihii la soo dhaafay ayey ciidamada ka wadeen howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga gudaha magaalada jowhar.