Dil Caawa ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Deegaanka Bacda oo hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa goordhow lagu dilay qof shacab ah.

Dadka deegaanka ayaa ii xaqiijiyay in qofka la dilay uu ahaa Darawal deegaan ahaan Gal-gaduud kasoo jeeda waxaana la sheegay in loo dilay aano qabiil.

Waa qofkii labaad ee wax ka yar 12-saac aano qabiil loogu dilo deegaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Maanta Barqadii ayay aheyd markii maleeshiyaad hubeysan ay duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku dileen Nin darawal ahaa oo kasoo jeeda Gobolka Galgaduud