Dowladda Soomaaliya oo xil u Magacaawday Wariye Macalimow

Macalimow ayaa ah Wariye muddo dheer kasoo shaqeeyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta, waxaana sanadyadii ugu dambeeyay ka mid ahaa ururada Saxaafada.

Ra’iisul wasaare ayaa maanta bilaabay isbadel weyn oo ku sameeyo xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo maanta uu Magacaabay xoghayaha joogtada ah.

Waxaa sidoo kale ilo lagu kalsoonaan karo ay xaqiijiyeen in ay jiraan isbedallo kusoo wajahan Agaasimeyaasha iyo sidoo kale Madaxda ee wasaaraddaha.