Wararka naga soo gaaraya Xaduudka Soomaaliya iyo Kenya dhanka Baladxaawo Gaar Ahaan halka loo yaqaano jiiro maskiin ayaa sheegaya in lagu qabtay laba Nin oo Xaduudka kala soo gudbay qalabka lagu dhaqo lacagta Dalka Imaraadka
Labada Nin ayaa waxaa la dhigay saldhiga Booliska Beled Xaawo, iyada oo laamaha Amniga degmadaasi ay sheegeen in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono raggaasi la qabtay.
Lacagta ayaa dalka lagu soo galiin jiray Diyaarad Balse Dowlada Soomaaliya ayaa Adkeysay Amniga Diyaaradaha tan iyo markii uu khilaafka soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.