Maxaa looga hadlayaa Shirka Maanta ka furmaayo Garoowe?

Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal waxaa ka socda u diyaar garowga qabsoomida shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, kaas oo Maanta oo taariikhdu tahay  29 Bisha December ka furmaya halkaas.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Qaarkamid ah madaxda dowlad Goboleedyada, Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada rayidka.

Shirka oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay lagu qabanayaa Soomaaliya, waxaana sanadkaan looga hadlayaa xasilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhameystirka Dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya.

Inta badan madaxda ka qeyb-galeysa Shirka ayaa ku sugan Magalada garoowe, waxaana socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay, iyada oo Saacadaha soo socda uu furmi doo

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waaweyn ee Magaaladaasi lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Amniga, kuwaas oo baaritaano ku sameynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan