Qarax geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu ahaa Miinada nooca dhulka lagtu Aaso, kaas oo lala eegtay Gaariga Xildhibaan hore ahna Siyaasi Caan ka ah muqdisho ee Muxudiin Xasan Afrax xilli uu marayay agagaarka Xarunta degmada Kaaraan.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayan in qaraxa uu ku dhintay hal Askari laba kelan ay ku dhaawacmeen, iyada oo uusan la socon gaariga Xildhiban hore Muxudiin Xasan Afrax.

Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan aya tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka askariga iyo kuwa dhaawacmay, waxana sidoo kale la sheegay inay sameeyeen howlgal dad lagu qabqabtay.

Magaalada muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyada miino ee dhulka lagu Aaso ama kuwa Gawaarida lagu xiro, kuwaas oo inta badan lala beegsado dadka mas’uuliyiinta ah.