Al-Shabaab oo qof ka afduubtay degaan ka tirsan Maamulka Galmudug

Xubno ka tirsan  Al Shabaab ayaa waxaa ay qof shacab ah ka afduubteen Xalay Saq dhexe Deegaanka Burujeed oo qiyaasti 70km ujira Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.

Ilo wareeedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxaa ay sheegayaan in hal qof ay Al-shabaab Ka wateen deegaanka lagu magaacaabo Burujeed, kaasi oo watay gaari nooca raaxada ah.

Sababta ay Al–Shabaab u afduubteen qofka shacabka ah ayaan la ogeyn ilaa iyo hada iyo halka ay la aadeen, iyada oo ehelka qofkaas uu walwal muujiyay.

Ma jiran weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug, sidoo kale ma jiraan dadaalo lagu soo furanayo ninkaan ay Al-shabaab afduubeen.