Madaxweyne Deni” Shirka Garoowe wuxuu kusoo aaday xilli xasaasi ah”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ka hadlayay furitaanka shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee ay soo qaban qaabisay Machadka Heritage oo ka furmay Garowe ayaa sheegay in madashan ay ku soo aaday marxalad loo baahnaa

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in Madaxda Soomaaliyeed ay kulmaan wadahadlaan,isaga oo rajo ka muujiyay shirka iyo kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Siyaaasiyiinta kala aragtida duwan ee shirka ka qeyb-galeysa.

Waxaa uu Madaxweyne Deni hadalkiisa uu intaasi ku daray in shirkaan uu yahay mid sidoo kale rajo badan gelinaya Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu rajeynayo inay wax badan kasoo baxaan.