Shirka Magaalada Garoowe oo si toos ah u furmay

Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal  waxaa ka furmay shirka Aragti wadaaga Machadka Heritage,kaas oo looga hadlayo Arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka Soomaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka,  Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada, Xubno kamid ah Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada rayidka iyo dad kale oo lagu casuumay.

Shirka oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay lagu qabanayaa Soomaaliya, waxaana muddo Saddex Cisho oo uu socon doono sanadkaan looga hadlayaa xasilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhameystirka Dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya.

Inta badan siyaasiyiinta xilalka haaya iyo kuwa aan xilalka haayin ayaa shirka khudbado ka jeedin doona, waxaana shirka hadal ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxana uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad degan.