Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Madasha Aragti-Wadaagga ee ka socda Garoowe ayaa ka hadlay xaalada Guud ee dalka & muranka kajira doorashooyinka.
Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in mar kale la isu yimaado oo laga wada tashado arrimaha kajira dalka oo ay ugu weyn tahay arrimaha doorashada oo weli uu muran ka taagan yahay, xilli muddo xileedka Madaxda Dowladda oo gebo-gabo yahay.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis doorasho gaareen, balse dhaqan gelinta la isku haayo, waxaana uu xusay inuu aaminsan yahay in caqli kale uu soo kordho, si loo wada tashado.
Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli muran uu ka taagan yahay Arrimaha doorashooyinka, isla markaana musharixiinta uu kamid yahay ay diidan yihiin Guddiyada doorashooyinka dowladda Magacaawday, iyaga oo sheegay inay ku jiraan Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha dowladda.