Al-Shabaab oo Rasaaseeyay Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah & Khasaaro ka dhashay

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerar khasaaro geystay ku qaadeen Gaari ay la socdeen dad Shacab islamarkaana ahaa Safar.

Gaarigaan oo la sheegay in uu ka baxay degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa kusii jeeday magaalo madaxle gobolka ee Garbahareey,waxaana waddada u galay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Rasaas lagu furay Gaariga ayaa sababtay dhimashada 2-Ruux,halka ay ku dhaawacmeen 3-ruux oo akle sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.

Dadkii dhaawacmay ayaa dib loogu celiyay degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo,halkaas oo lagu dabiibayo,waxaana la sheegay in iyana dadkii dhintay Aaskoooda laga qaban-qaabinayo halkaasi.

Ila iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab oo ku aaddan gaarigaan la sheegay in ay Rasaaseeyeen ee khasaaruhu ka dhashay,dhinaca dowladdana sidaas oo kale wax war ah kama aysan soo saarin.