Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland oo hal Arrin uga digay Madaxda Dowladda

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Arrimaha doorashooyinka uu muranka ka taagan yahay xilligaan, isaga oo shaaciyay digniin la xiriirta sida hadda loo qorsheeynayo inay u dhacaan doorashooyinka.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay in aysanjirin cid ka baxday heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Bishii Setember ee sanadkaan lagu gaaray Mgaalada Muqdisho, hayeeshee ay dhici karto inay jiraan dad doodo ka qaba.

Waxaa uu ka hadlay habraacyada doorashooyinka ee la soo saaray, balse kaliya ay harsan tahay in la dhameystiro wixii dhiman, isaga oo ka digay in koox gaar ah ay sidii ay doonto u maamusho doorashooyinka.