Guddoomiye Mursal oo sheegay waxa dhacaya marka lagaaro 8-February iyo Xasan Sheekh oo ka jawaabay

Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dood adag waxa ay ku dhex martay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland .

Doodda ayaa ku saleysneyd arrimaha doorashooyinka,waxaana dood toos ah u dhexmartay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha golaha Shacabka,si gaar ahna waxa ugu doodeen dhameystirka Dastuurka.

Ka qeyb-galayaasha ayaa masuuliyiinta weydiiyay su’aal aheyd maxaa dhacaya haddii la gaaro 8-Febrayo ee 2021-ka,oo ay ku egyahay muddo xileedka Madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo qaatay Su’aasha Jawaabteeda waxa uu sheegay in ay dhaceyso wixii dhacay Sanadkii 2016-ka markii uu dhammaaday mudda xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mursal ayaa sheegay markii ay dhammaatay muddo xileedkii Baarlamaanka in loogu daray 4-Bil,halka Madaxtooyaduna ku darsatay muddo 6-Bil ah sida uu hadalka u dhigay.

Dhankiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay kala duwanyihiin xilligiisii iyo xilliga hadda,isaga oo sheegay in doorashada xildhibaanadu socotay markii mudada la kordhinayay,hase’ahate hadda aysan waxba socon.