Guddoomiye Mursal & Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Mohamud .

Kulanka  labada mas’uul  oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo arimaha muranka ka taagan yahay doorashooyinka dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo labaduba Garoowe uga qyeb-galaya Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ayaa waxaa ay la kulmeen Madax kala duwna oo ka tirsan dowladda & Mucaaradka.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxda Dowladda oo uu kujiro Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xubnaha Mucaaradka oo uu kamid yahay Xasan Sheekh Maxamuud ay isku khilaafsan yihiin Arrimaha doorashooyinka.