Shir laga yeeshay Amniga degaannada Hir-Shabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay shirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Shirka ayaa Maanta  waxaa ka qeybgaleen Wasiiru dowlaha Amniga, Maamulka Gobolka  Shabeellaha  Dhexe, Gudiga Amniga, Taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad,  Taliyaha Ciidanka Danab ee Hirshabeelle, Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Hirshabeelle, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Ciidanka Haram cad  ee Hirshabeelle

Madaxweynaha ayaa Kulankaan warbixinta  todobaadlaha ee xaaladaha Amniga ka dhageystay Saraakiisha Hay’adda Amaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, iyaga oo la wdaagay howlgalo ay todobaadkaan sameeyeen Qeybo kamid ah Degmooyinka Hirshabelle gaar ahaan Jowhar.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa uga mahadceliyay Hay’adaha Amniga shaqada adag oo ay umadda u hayaan, isaga oo ugu baqay inay dardar geliyaan.