Jubbaland oo war kasoo saartay xildhibaan Qarax lagu dilay

Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur oo Ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray.

Jubbaland ayaa ku eedeysay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka waxaana uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo qarabadii uu ka tagay.

Waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland, waxaana la sheegay in uu geeriyooday ka dib markii gaarigoosa qarax lagula xiray.