Laba Askari oo lagu toogtay Muqdisho & faah faahin kasoo baxeeysa

Laba Askari oo kamid ah dharcadda lagu soo daadiyey xaafadaha Magaaadda Muqdisho ayaa hadda lagu dilay isgoyska Laba dhagax ee degmadda Wardhiigley.
Kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, sidii caadada aheyd Ciidanka dowladda ayaa falka kadib yimid goobta.
Maalma kahor degmadda Waabari sidan oo kale waxaa lagu dilay saddex dhallinyaro ah oo katirsan Dharcadda Muqdisho, kuwii waqtigaas dilka geystayna way baxsadeen.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Al-Shabaab ay beegsi ku hayeen Ciidamada dharcadka ee loo yaqaano Ilaalada Shacabka, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay ugu talo gashay sugida Amniga Caasimadda.