Shabaab oo soo bandhigay Sawirada Qalabka Idaacada Al-furqaan oo Duqeyn lagu bur-buriyay

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa duqayn cirka ah la beegsaday xarunta Idaacada Al-Furqaan ee deegaanka Kuunya Barrow ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo halkaas ku burburiyay dhismihii idaacada iyo qalabkii ay ku shaqaynaysay intaba.

Sidoo kale 24-kii Diseembar 2020 ayaa diyaaradaha Maraykanku duqayn u geysteen xarunta idaacadda Alfurqaan ee ku taallay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo sidoo kale lagu burburiyay dhismihii idaacadda.

Al-Shabaab ayaa Maanta soo bandhigay sawirada burburka Qalabka iyo dhismaha Xarunta Idaacadda Alfurqaan ee degaanka Kuunya-Barrow, kadib markii diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen.