Al-Shabaab oo soo bandhigay Magacyada & Sawirrada raggii fuliyey weerarkii lagu qaaday saldhiga Manda Bay

Al-Shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin internet-ka waxaa ay ku baahiseen muuqaallada, Sawirada  & magacyada iyo raggii fuliyey weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee deegaanka Manda Bay ee dalka Kenya.

Weerakaas ayuaa waxaa uu dhacay 5-tii Janaayo sanadkii  2020, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo uu kujiro Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka.

Hoos Ka Akhriso Magacyada raggii fuliyay weerarkii Manda Bay ee dalka Kenya.

1: Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir), hoggaamiyihii kooxda una dhashay dalka Yeman.

2:  Abubakar Al-Muhajir, oo u dhashay dalka Tanzania.

3 : Cali Maxamed Cali (Qudama Al-Muhajir), oo kasoo jeeda dalka Ethiopia, kana soo jeeda qabiilka Burj, balse ku dhahsay kuna barbaaray magaalada Nairobi.

4 :  Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) iyo , oo kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, islamarkaana ahaa taliye ku-xigeenkii kooxda weerarka fulisay.

5 : Aadam Imaan Yuusuf (Abdulkariim Alansari), oo kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale baahisay codka Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmad Cumar Abu Cubayda oo uu kaga hadlay weerarkaas. Lama shaacin taariikhda la duubay codkaas.

Abu Cubayda ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeeyay dhalinyarradan weerarka ku qaaday saldhigga Manda Bay, isagoo ku maanay inay tusaale yihiin dhalinyarrada kale, sida uu hadalka u dhigay.

Weerark Manda Bay ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo isugu jiray laba qandaraasle iyo askari ka tirsan ciidamada Mareykanka. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay askari kale oo Mareykan ah.

Kadib weeerarka dowladda Kenya ayaa sheegtay in la dilay shan dagaal-yahan oo ka tirsanaa kuwii weerarka soo qaaday islamarkaana la qabtay shan kale.