Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgal ka dhan ah Kooxda Daacish

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgallo gaar ah waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen dhul Buuraley ah oo ku yaal Gobolka Bari, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Xubno ka tirsan Kooxda Daacish.

Howlgalka ayaa waxaa ay Ciidamada sigaar ah uga fuliyeen degaannada Timirshe iyo Tuurmasaale iyo degaanada buuraleyda ah ee ka ag dhow sida Il,Camayra iyo Legunle ee buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.

Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalkooda uu ahaa mid ay uga hortagayaan weerarada iyo falalka ay geystaan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ku sugan meelo kamid ah Gobolka Bari.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu noqon doono mid sii socda, hayeeshee aysan shaacin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari.

Xubno ka tirsan Kooxda Daacish ayaa mararka qaar waxaa ay weeraro iyo qaraxyo ka fuliyaan degaano ka tirsan gobolka Bari, waxaana ku waxyeeloobay askar iyo dad Shacab ah.