Dagaal culus oo ka dhacay degmada Afgooye

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Alshabaab ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Alshabaab ay weerar culus ku soo qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihii deegaanka Mukayga eek u dhow degmada Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasb culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan islamarkaana ay dareemeen cabsi iyo wel-weli badan markii dagaalka ay maqleen.

Ugu yaraan 30-daqiiqo ayaa waxaa socotay rasaas aan kala go’ laheyn taas oo u dhaxeysay ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Alshabaab,iyaga oo isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas maadaama xilliga uu dagaalku dhacayay ay aheyd goor Habeen ah oo adagtahay in la ogado.

Inta badan Alshabaab weeraro nuucaan oo kala ah ku soo qaada Saldhiga ciidamada dowladu ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose waxaana ka dhasha khasaarooyin kala duwan.