Dib u dhac ku yimid heshiiskii dowadda ee Shirkadaha Shidaalka

Waxaa maanta dib u dhac ku yimid munaasabaddii lagu saxiixi lahaa Xirmooyinka ceelasha shidaal ee laga qodayo Xeebaha Baraawe iyo Hobyo, munaasabadan oo ay goobjoog ka noqon lahaayeen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa waxaa saxiixi lahaa Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaflada saxiix ay u dhacday maalinta berri, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu soo kordhay culeys dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas iyo qaabka loo waafajanayo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle.

Shirkadaha loo saxiixayo heshiiska xirmooyinka (BLOCKS) shidaal qodista ayaa lagu kala magacaabaa Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS