Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo hal Arrin isku heysta & muran ka dhex-jira

Wararka ka imaanayo Magaalada Caasimada Hir-shabeelle ee jowhar ayaa ku Warmayo  in  khilaafyo iyo buuq Xoogan u ka dhaxjiro  baarlamaanka Hir-shabeelle kadib Doodo  Xogan oo ka dhashay Ka doodista  17 Xildhibaan Dumar ah oo ka dhiman  baarlamaanka Hir-shabeelle

kuwaaso horay  loo sii qorsheeyay Ku buuxinta  qoonadada Haweenka hayeeshee  Doodaha taagan ayaa ah inay Xildhibaanada ay ku kala qeybsameen Ku darsti Xildhibaanada dumar ah waxaan ay taas  keentay inay Xildhibaanada  Hir-shabeelle  Labo  Garab u kala jabeen islamarkaan ay qeybno u olaleeyaan in17 Xildhibaan Lagu kordhiyo Baarlamaanka si qoonadada Haweenka loo  dhameeystiro

Sido kale Xildhibaanada kasoo horjeedo in an la kordhin Baarlamaanka ayaa ayagan dhankood  wado Abaabul ay  kaga Soo horjeedaan  Kordhinta 17 Xildhibaan.

Wararka qarkood  ayaa sheegayo   Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa 1aad ay Xitaa  Arinta  ku kala qeybsameen waxaan jirto Talooyin Gudoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka  Siraaji Sheikh Isaaq u soo jeediyay Gudoomiyaha oo ku  aadan in arintaas  Sidu dastuurka qaba lagu  xaliyo Madaamo u dastuurka sheegayo in lagu  kordhiyo 17 Xildhibaan  hayeeshee  Gudoomiyaha baarlamaanka  Cabdixakiim Luqmaan ayaa dhankiisa  tilmaamay inu Hada  Hir-shabeelle  ka maqanyahay  lana joojiyo  doodaha  arintaas  La xiriirto  ilaa  u ka tagay  Hir-shabeelle.

Isku soo wada duubo Tan iyo Xalay waxaa jiray  buuq iyo kulmo  ay xildhibaanada  ka yeelnayeen 17 Xildhibaan  La sheegay  in  lagu kordhiyo baarlamaanka Hir-shabeelle  hayeeshee Xaalada ayaa hada  u muuqto  mid  Cakirn oo buuq Siyaaseed Gashay.

Xildhibaanada Hir-shabeelle ayaa hada ka kooban  99 Xildhibaan hadii lagu daro 17 kale  waxeey noqonaan 116 Xildhibaan.