Ciidamada Ammaanka oo sameeyay Howlgal lagu soo qabtay hub & waxyaabaha qarxa

Ciidamada Ammaanka ka howlgalla Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay Xaafado ka tirsan Magaaladaasi ka sameeyeen howelgallo lagu xoojinayo amniga Magaalada, iyada oo howlgaladaas lagu qabqabtay dad farabadan.

Howlgalka oo ay siwadjir ah u fuliyeen Ciidamo isugu jira, Boolis, Nabadsugid & Ciidamada Haramcad ayaa baaritaano waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha qaar iyo wadooyinka Magaalada Jowhar.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qabqabtay dhalinyaro looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaa, hub iyo miinada nooca dhulka la geliyo ee meelaha fog fog laga hago.

Maalin ka hor Wasaaradda Amniga Mamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay shaacisay in howlgalladii ugu dambeeyay lagu soo qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa, sidoo kalena howlgallada ay sii socon doonaan.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhacay falal amni darro, iyada oo sanadkii tegay ee 2020 lagu dilay tiro Xildhibaano ah, iyada oo Magaalada Jowhar ay kamid tahay meelaha la filayo inay ka dhacaan doorashoyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.