Guddiga doorashooyinka oo doorashada Aqalka Sare ka bilaabaya Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur galbeed maanta waxaa dib ugu laabtay Xubnaha Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka maamulkaas.

Guddiga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku qaadanayay tababar la xiriira arrimaha Doorashooyinka.

Muddada kooban ee tababarka u socday ayaa lagu baray nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, taasoo ay bixinayeen khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka.

Xogaha la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in maalmaha soo socda guddiyada doorashooyinka ay Baydhabo iyo Baraawe ka bilaabi doonaan doorashada Xildhibaannada Aqalka sare.