Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax miino ah ayaa goordhow ka dhacay wadada 21October ee degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Qarax ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana lala eegtay gaari kuwa aan xabadda karin oo uu watay Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali, balse aan wax khasaaro ah kasoo gaarin.

Haweeney wadada mareysay ayaa la sheegay in qaraxa ay ku geeriyootay waxaa sidoo kale burbur uu soo gaaray Gaariga Afhayeenka.