Madaxweyne Farmaajo, Taliyaha NISA, Qoor Qoor & laftagareen oo kulan yeeshay

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa maanta kulamo gaar gaar ah waxay Muqdisho kula qaateen Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin.

Kulanka koowaad ayaa maanta duhurkii ka dhacay Xarunta Taliska Nabadsugida, halkaaasoo labada Madaxweyne Dowlad Goboleedyada ugu tageen Taliyaha NISA, waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan arrinta Gedo iyo doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo labadaba ka mid ah caqabadaha waa weyn ee ku horgudban hirgelinta hannaanka doorashada.

Intaas kaddib Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa waxay wadajir ugu tageen Madaxweyne Farmaajo, markii uu soo dhammaaday kulankii ay la yeesheen Taliyaha NISA

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa dadaal ugu jira sidii xal loogu heli lahaa khilaafka doorashada, gaar ahaan arrinta Gedo iyo kuraasta Somaliland, waxaana jirta rajo ah in qaab foggaan arag ah ama wada hadal fool ka fool la isugu yimaado, si loo xalliyo caqabadaha taagan.