Weriyahii hore ee BBC Axmed Cabdinuur oo geeriyooday

Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada London ee dalka ingiriiska ku geeriyooday Wariyihii hore ee Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga Axmed Cabdi  Nuur oo maalmahaan xanuunsanaa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Axmed Cabdi  Nuur uu u geeriyooday Cudurka safmareenka ah COVID-10, kadib 16 maalin oo uu la xanuunsanaa.

AUN Axmed Cabdi Nuur ayaa ka mid ahaa wariyeyaashii ka soo shaqeeyey Radio Muqdisho sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyey idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Geerida Axmed Cabdinuur, isaga oo uga tacsiyadeeyay ehellada iyo saaxiibadii uu ka baxay.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaalieed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee wariye Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa tiirarka Warbaahinta Soomaaliyeed. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.